Xiisad ka dhalatay labo Ciidan oo isku qabsaday lacago canshuur, Matabaan

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaarayo mDegmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaa halkaas ka jira  Xiisad u dhaxeysa labo Ciidan oo isku qabsaday lacagaha laga qaado Gaadiidka xamuulka ee isaga kala gudbo Hiiraan iyo Galgaduud sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Dhanka kale, Odoyaasha & Waxgaradka Degmada ayaa bilaabay waanwaan ay ku xalinayaan xiisaddaan si aanay gacan ka hadal isugu bedelin maadaama dhaqdhaqaaqyo xooggan ay wadaan labada ciidan oo Matabaan wada jooga.

Waxaa sidoo kale jira, Askar gadood ka sameysay mushaar la’aan soo wajahday ayaa isku dayday in ay la wareegaan Kontorool Gaadiidka lacagaha looga qaado balse waxaa tallaabadaas diiday ciidamadii joogay goobtaas waa sida warbaahinta ay u sheegeen ilo deegaanka ah.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!