Xiisad ka dhalatay 6-ruux oo mar qura lagu dilay gobolka Sh-hoose (Faah-faahin)

Reading Time: < 1 minute

Wararka ay MOL ka heleeyno gobolka Sh-hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkasi ay ka taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhaxeeysa dad wada-dega gobolkaasi taasi oo ka bilaabatay dad ehel ah oo mar qura la wada dilay.

Maalmo ka hor deegaan hoos-tago Namabar 50 waxaa lagu dilay 6-ruux oo ehel dhaw ahaa islamarkaana u badnaa dad dhalinyaro,waxaana arintaasi ay dhalisatay xiisad,qaar ka mid ah dadka deegaan ayaa inoo sheegay in Al-shabaab la iskaga soo dhigay sidaasna dadka loo dilay.

Mid ka mid ah Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in arrintaan ay salka la gashay aanooyin qabiil”Dadkaas waxaa dilay qabiil Al-shabaab ma dilin sababtoo ah iyaga ayaa shaatigaas noosoo gashanaya”

Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ayeey ku eedeeyeen in aysan  waxba ka qabaneeynin arrinkaan oo ay sheeda uun ka eeganayaan.