Xiisad & dhaq-dhaqaaq dagaal oo maanta laga dareemayo nawaaxiga Laascaanood

Reading Time: < 1 minute
Waxaa maanta laga dareemayaa nawaaxiga Laascaanood xiisad iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo abaabulan. Waxaa la arkayay hubka culus oo ay labada dhicanba diyaarsanayaan in ay ku dagaalamaan.
Maanta subaxii hore waxaa magaalada Laascaanood laga maqlaayay dhawaaqa madaafiic xoogan oo  Ciidamada Somaliland iyo xoogagga difaaca shacabka ee SSC-Khaatumo  is weydaarsanayeen.
Dhanka kale waxaa socda abaabul diyaar-garow ciidan oo xooggan oo laga soo werinaya furimaha dagaalka labada dhinac. Dhammaan jidadkii nabad-raadinta ayaa sidoo kale xirmay kadib markii uu Muuse Biixi diiday in uu ciidamadiisa la baxo.