Xiisad Dagaal oo u dhaxeeysa Al-shabaab iyo Daacish oo ka taagan Gobolka gedo

Reading Time: < 1 minute

Tuulooyin hoostaga deegaanka Ceel cadde ee Gobalka Gedo ayaa xalay ilaa iyo shalay waxaa uu dagaal culus uu ku dhexmaray xubno ka  kala tirsan Al-shabaab iyo Daacish.

Dagaalka Al-shabaab iyo Daacish ayaa waxaa ay iskaga dileen xubno ku dhaw toban dagaalame sida ay sheegayaan wararki ugu dambeeyay ee deegaanadaasi naga soo gaaraya.

Labada dhinac dagaalka ku dhex maraya Ceel Cadde ee Gedo ayaa bilwoday habeen kahor iyadoona ay xusid mudantahay iclaamintii maalmo kahor ee Afhayeenka Al-shabaab.