Waxaa lagu soo waramayaa in Magaalada Dhuus-mareeb ee Casimada Maamulka Galmudug ay ka taagantahay xiisad U dhexaysa Maamulka Galmudug iyo Maamulka Ahlusunna Waljameeca waxaana Dowladdu ay Ciidamo badan gaysay xarumo aad u muhiim ah oo ku yaal Magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimada Maamulkaa.
Xurumaha Ciidamada lageeyay ayaa waxaa ka mid ah Xarunta Bankiga Saldhiga Magaalada Dhusa-mareeb iyo xarumo kale oo ad muhiim u ah wxaana arinta ka carooday Maamulka Ahlusunna Waljameeca oo degan qayb ka mid ah Magaalada.
Dhaqdhaqaaq ayaa ka bilaawday magaalada waxaana dhaq-dhaqaa wada Dhinacyada isku haya Magaalada Dhuusa-mareeb waxaana laga cabsi qabaa in ay is fara saaraan dhanacyada Halkaa isku haya maadaama ay Magaalada Dhuusa-mareeb wada joogaan labo Madaxweyne oo kala ah Axmed Qoor-qoor iyo Shiekh Shaakir.