Wararka inaga soo gaaraya Degmada Dhooblay ee Goblka Jubblada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Maamulkaa ay halkaa ka wadaan dhaqdhaqaaqyo Ciidan waxaana halkaa ka socda hub aruursi ay wadaan Ciidama Maamulka Jubbaland.
Warar laysla dhex marayay Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxa ay sheegayeen in Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaalia ay Gaareen dhooblay kuwaa doonaya in ay isku balaariyaan halkaa si ay u wiiqaan awooda Ciidan ee Jubbaland.
Jubbaland ayaa iyana waxa ay Magaalada Dhooblay ku soo bandhigtay Ciidamo aad u qalabaysan ku waa oo la sheegay in ay Dagaal la gelayaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaalia kuwaa maalmihii Dambe lagu sii daad guraynayay Deenaada Maamulka Jubbaland.