Xiisad dagaal oo ka jirta Gobolka Sanaag

Reading Time: < 1 minute

Gobalka Sanaag iyo degaano ka tirsan guud ahaan Gobolka ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada Soomaaliland iyo dadka shacabka oo taageero ka hasyta dowlada Puntland.

Dagaalkaan ayaa la sheegayaa in uu  bilaabatay kadib markii  ciidamo daacad u ah  Somaliland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ay madaafiic ku garaaceen, ciidan maleeshiyeed  ah oo ku sugnaa deegaanka Damalla-xagarre kadib markii ay magaalada ka taageen calanka Soomaaliya iyo kan  Puntland.

Sida a sheegayo ciidamada Somaliland ayaa ka caraysan siibida ama dajinta calanka Somaliland.  Dadka oo loo sheegay inay dejiyeen calanka Puntland ayaa diiday inay  dejiyaan calankaas taasi oo ugu dambayn sababtay in ciidanku ay rasaas ku furaan dadka rayidka ah ee ku sugan deegaankaasi, waxaana la sheegay in hal qof uu ku dhaawacmay iska horimaadkaasi.

Ma jiraan ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan wixii ka dhacay deegaanka Damalla-Xagarre ee Gobalka Sanaag.

Dowlada Somaliland ayaa ku eedeysay Puntland in ay soo abaabushay maleeshiyaadka iyo dadka qaska ka wada Gobolka Sanaag.