Xiisad cusub: Jubbaland oo sheegtay in Gobalka Banaadir uu u ciyaaray Ciyaaryahan Ajnabi ah

Reading Time: < 1 minute

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Jubbaland waxay dacwo u gudbiyeen xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo ku aadan cayaaryahan u dhashay dalka Kenya in uu u cayaaray kooxda Banaadir cayaartii shaley galab oo dhex martay gobalka Banaadir iyo Jubbaland.

Sida qoraalka ku qorab waxay Jubbaland ku eedaysay Banaadir inay jebiyeen xeerkii u yaalay tartanka, gaar ahaan qodobka 1aad , farqada 1.7 oo sheegaya inaanu tartanka ka qeybgeli karin qof ajenebi ah.

Waxay Jubbaland sheegtay in Banaadir ay qodobkaasi jebisay oo ay ciyaarsiisay Ciyaartoo u dhashay Kenya oo Baasaboorkiisa kusoo galay dalka kana ciyaara horyaalka Gobolka Banaadir.

Jubbaland waxay qoraalka ay soo saartay kaga codsatay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed inay la xisaabtamaan cidii ku xad gudubta sharciga u yaalla tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!