Xiiisadda MW Farmaajo & Axmed Madoobe oo cirka isku shareertay kaddib (Akhriso Jawaabta Xil. Xasan Cabdi)

Reading Time: 2 minutes

Xildhibaan Xasan Cabdi oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doorto Jubbooyinka ayaa jawaab cajiib ah siiyay Xil. Faarax Xasan oo ka tirsan BJFS kaasoo laga soo doortay GalMudug. Xil. Faarax ayaa ku eedeeyay MW Axmed Madoobe  eedeymo aad u culus kuwaasoo laga codsaday in uu caddeeymo keeno.

Dagaalka u dhexeeya MW Farmaajo & Axmed Madoobe ayaa xiisaddiisa aad looga dareemayaa dhanka baraha bulshada oo eedeeymo iyo jawaabo hawada la isku soo marinaaayo.

Tan iyo markii uu xukunka la wareegay Feb 8 2017. MW Farmaajo ayaa caado waxaa aay u noqotay dagaal siyaasadeed joogta ah, halka laga sugaayay in uu noqdo oday Soomaaliyeed oo fuliya ballamadii uu qaaday xilligii uu socday ololaha doorashooyinka.

Jawaabta Xil. Xasan Cabdi ayaa sida hoose u qorneys 

Asc

Jawaab ku socota xildhibaan Farah abdi Hassan
Waxan baraha bulshada ka akhriyay qoraal uu qoray xildhibanka oo uu ugu magacdaray

Talo ku socoto PM kheyre ee safarkisa kismaayo

Ugu horeyn xildhiban farah abdi Hassan waa xildhibaan golaha shacabka ka tirsan, deegan doorashadiisa waa, Galmudug wuxuna gaar ahaan u matalan deeganka caabudwaaq ee gobalka galgaduud, qoraalkisa waxa ka muuqday masuuliyad darro aad u weyn ,fidnada galmudug iyo indhaha ay leedahay maanta waa dadka aad oga qeyb qaatay,in galmudug la qeybiyo
Wuxuu ku fadhiyaa kursiga madaxweyna Somaliya mahamed cabdulahi farmaajo
Madaxtooyada somaliya dhibaatada shacabka xamar lagu hayo ayuu aad u dhiira geliya ,caburinta iyo caga jugleynta Lagu siyaasinta iyo ganacsatada soomaaliyeed ayuu taageera
Waan ku aqaanay mucaaradnimadisa jubbaland ,laakin been abuur intas la eg inuu ku dhiiranayo ayan la yaabay ,wuxu ka mid ahaa taageerayashi dooxadda jubba aad ugu ololeyn jirtay

Mudane xildhiban

Jubbaland guud ahaan iyo gaar ahaan magaalada kismaayo ,waxa ay ku naalooneysa
Amni ,cadaalad iyo kala danbayn Dhaqan uma laha hogaanka jubbaland
Hadalada mel dhaca ku ah masuuliydda aad xambaarsantahay
Hogaanka jubbaland waad mucaaradi karta waana dhaliili karta laakin been abuur iyo isku dirka iyo kala qeybinta ma ku haboona  Waa tan Gal-mudugta aad matasho ficilida aad kula jirto adigoo magaca madaxtooyada isticmaalaya ishaas u yeeshay
Waxaad isku dayday in fidnadas iyo kala qeybintas aad Jubbaland gaar ahaan Gobalka Gedo lasoo dhex gasho Wadna ku fashilantay Talaabooyinki aad qaatay iyo halke ku danbeeyay waad ogtahay

Mudane xildhibaan ,Jubbaland waa dawlad goboleed saddex gobal ka kooban
Jubbada Hoose jubbada dhexe ,Gedo Dastuur leh ,gole baarlaman iy mid garsoor iyo mid fulin leh ,kana tirsan dawladda federalka soomlaiya ,way ka gudubtay xiligii hogaamiye kooxeedyada iyo xiligii dooxada Jubba ,umana noqoneyso inshalah
Qoraalkaada ereyada ku qorna waxay cadeynaya heerkaga iyo waxaad sameyn laheyd haddi go,aan ama talo aad ku yeelan laheyd masiirka Jubbaland
Soomaalida waxay ku mahmahda (Tiisaba daryeela tu kale ku dara )
Galmudugta aad matasho magaca madaxtooyada Somaaliya iyo hantidii qaranka soomaliyeed ku burburineyso utasho ,wanageda iyo midnimadeda ka shaqe
Jubbaland waxba lagama waydiinayo adiga iyo wax kula fikir ahba ,dadki lahaa ee matalayay ayaa u tashaday

Qoraalkaga waa mid muujinaya quusta iyo rajadii aad ka laheyd safarka PM kheyre inaad ka wayday Marki aad maqashay PM kheyre ayaa kismaayo wadahadal utagayo
Waa adigii bilaabay dacaayad raqiis ah

Talo soo jeedin 

Waxan kugula talin lahaa inaad mas,uliyadda ku saaran garato, been abuurka iyo fidnada abuurista waxan jirin ka waantowdo ,deegaan doorashada wanaagooda ka shaqeyso, midnimada iyo Wadajirka umadda soomaaliyeed ka shaqeyso

Hon, Hassan abdi Ismail