Iyada oo dowlada Fedaraalka ay shalay soo saartay qoraal ku baaqaya in la qabto doorashada Galmudug inta aan la gaarin afarta bisha soo socoto ee Juulaay ayaa xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaannada Federaalka ee ka soo jeeda Galmudug ku tilmaamay qoraalka Wasaiirk mid sharci darro ah.
Xildhibanka oo ku hadalaya magacaga xildhibaanada ka soo jeeda Galmudug ee ku jira Baarlamaanka Fedaraalka ayaa ku dooday in Galmudug ay tahay dowlad Goboleed dhisan oo leh Dastuur u gaar ah, Madax la doortay, wuxuuna intaas ku daray in sida ku cad Qodobka 142aad Dastuurka KMG inta laga gaarayo iswaafajinta Dastuurka ku meel gaarka ah iyo kan dawladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka dhamaan maamulada jira ay sii haysanayaan awoodaha Dastuurkoodu siinayo.
“Wasaarada Arimaha Gudaha ee Xukuumada Federaalka door toos ah iyo mid dadban midna kuma lahan faragelinta doorashooyinka dowlad goboleedyada. War Saxaafadeedka xalay saqdii dhaxe kasoo baxayna malahan wax sal sharci ah oo la daliishado” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.
Xildhibaan Saaabir Shuuriye oo isna ka hadlay arintaan yaa waxaa uu yiri” Waa go’aan aan dastuurka heer federal iyo mid Galmudug waafaqasaneen, laguna kala qaybinayo bulshada reer Galmudug ee ma aha war xal iyo isku soo dhawaansho keenaya”.
Xildhibaan Saabir ku daray “Waxaan is leeyahay iney dhacayso doorasho laakin dib u heshiisiin iyo is afgarad siyaasadeed ayaa ka horeeya, si xoog ah kuma dhici karto doorasho”.