Xeer ilaalinta Sacuudiga oo War Cusub kasoo saartay Dilkii Khashoggi (Akhriso)

Reading Time: < 1 minute

Xeer ilaalinta Sacuudiga ayaa war kasoo saartay dilkii saxafiga Sacuudiga ee caanka ahaa Jamal Kashoqgi oo 2-dii Oktoobar lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbuul ee daka Turkiga.

Bayaan iyo shir jaraa’id oo uu magaalada Riyaad ku qabtay afhayeenka xeer ilaalinta Sacuudiga ayuu ku shaaciyey wixii kasoo baxay baaritaanka Sacuudiga ee dilkii Saxafiga, waxaana Sacuudigu mar kale qirtay in Qunsuliyadda Istanbul lagu dhex dilay saxafiga, isla markaana la jarjaray jirkiisa.

Warbixinta Xeer ilaaliyaha Sacuudigu soo saaray ayaa waxaa ugu muhiimsan qodobadda soo socda:

1- In Saxafiga Jamal Kashoqgi lagu dilay oo jirkiisana lagu jarjaray Gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbuul