Xeer-ilaalinta Puntland oo iclaamisay dhagaysiga dacwada racfaanka ee Caa’isha Ilyaas

Reading Time: < 1 minute

Xeer-Ilaalinta Puntland ayaa maanta shaaciyay wakhtiga la qabanayo dhegaysiga dacwadda rafcaanka ee  saddex nin oo ku eedaysanayd Kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan. Ku Xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa ka hadlay arintaas.

Sida uu sheegay Maxamed Xareed  dacwadda rafcaanka ayaa muddeeyay maalinta Sabtida todobaadka soo socda oo ku beegan 22-ka bishan June 2019, kadib markii eedaysanayaashu ay rafcaan ka qaateen xukunkii hore loogu riday.

Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal ayaa 12-kii bishii May ee sannadkan xukun dil ah ku ridday, saddex eedaysane oo maxkamaddu sheegtay in lagu helay, kufsigii iyo dilkii magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas.

Balse, eedaysanayaaasha ayaa rafcaan ka qaatay xukunkaasi, waxaana sida hadda xeer-ilaalintu sheegtay dacwadda rafcaanka la dhegaysan doonaa sabtida todobaadka soo socda.