Xeer Ilaalinta Jubbaland oo amar culus dul-dhigtay saraakiisha ciidanka Booliiska

Reading Time: < 1 minute

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland ayaa ku amray laamaha booliska in ay u hoggaansamaan shuruucda iyo xeerarka u degsan haynta la tuhunsanayaasha iyo baarista eedeysaneyaasha ku xiran goobaha sharcigu u asteeyey sida Saldhigyada  iyo Xabsiyada.

Qoraal kasoo baxay Xeer-ilaaliyaha guud ee Jubbaland ayaa lagu sheegay in aan saldhig iyo xabsi toona lagu heyn karin wax ka badan 24-saacadood qof eedeesane, waxaana la faray booliiska iyo baarayaasha in maxkamad la geeyo qofka lasoo xiray.

Xeer ilaalimta Jubbaland ayaa sheegtay in dacwad lagu soo oogi doono sargaalkii aan u hoggaansamin amarkan, waxa ayna fareen saraakiisha booliiska iyo baarayaasha kiisaska in ay u hoggaansamaan xeerarka degsan.

blank