Xeebta Liido oo isku bedeshay qashin qubka Xamar (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar  Cismaan”YARIISOOW” oo looga baahnaa in uu wax ka qabto Nadaafada iyo bilicda Caasimada ayaa waxaa uu isku howlay arrimo kale oo la xariira siyaasada guud iyo arrimo kale oo asiga ka madax banaan.

Xeebta Liido ee degmada Cabdi-casiis ayaa waxaa ay isku bedeshay sida ay dad-badan qabaan qashin qubka Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho waxaana halkaasi iskugu yimaada maalin walbo kumanaan ruux.

Sababta xeebtu sidaasi u noqotay ayaa waxaa a tahay xiliyada kuleeylaha Kulluunka ayaa banaanka usoo baxo waxaana ay xeebta u baahan tahay Nadiifin xoogan,taas oo la iska beeylahay.

dadka shacabka ah ee u damaashaad tagi jiray ayaa hada  iskaga dhaafay qarmuunka kasoo baxaya oo kaliya,arrintaan waxaa ay ceeb weeyn ku tahay maamulka degmada iyo kan Gobolka Banaadirs