XDS oo sheegtay in ay dileen hoggaamiye ka tirsan Al-shabaab

Reading Time: < 1 minute

Milateriga Soomaaliya, ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen hoggaamiye ka tirsan Al-shabaab iyo xubno kale oo weheliyay. G/sare Caddoow Maxamed Sahal, oo ka tirsan Saraakiisha Milateriga Soomaaliya, ayaa wakaaladda Wararka ee SONNA ka soo xigatay, in hawlgal qorshaysan lagu dilay hoggaamiye ka tirsan Al-shabaab iyo xubno kale oo la socday.

Hawlgalka oo laga fuliyay degaanka Baar-sanguunni ee Gobolka Jubada Hoose, waxa lagu khaarajiyay Cabdi Ibraahim Saleebaan, oo Al-shabaab u qaabilsanaa Jabhadda dagaallanta ee Gobolka Jubada Hoose iyo ku xigeenkiisi, oo aan magaciisa la shaacin, sida laga soo xigtay G/sare Caddoow Maxamed Sahal. Sidoo kale, Sarkaalkaas ayaa sheegay in hawlgalka lagu dhaawacay saddex xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo la socday horjoogaha la dilay, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin.