Xasuuqa Baydhabo Xamar ka Filo

Reading Time: 2 minutes

MW Farmajo iyo RW Kheyre maxay joogto ugu caayaan Xildhibanada iyo  dadka reer K/Galbeed?Waa markii labaad ee uu RW Kheyre waxyaabo xunxun ku sheego dadka reer K/Galbeed. Xaflad lagu soo ururiyey dadka ku nool dalka Qatar ayuu sii jees jees leh uga yiri: “Anigoo ka wakiil ah Madaxweynaha inta aan xukunka hayno nama cabsiinayaann qabqablayaal” taas oo uu ula jeeday dadka reer K/Galbeed oo ka falcelinaya tacadiyada  xanuunka leh oo ay kula kacayaan ciidanka Itoobiya oo  ku soo gabaday Koofiyadaha iyo Magaca AMISOM oo kaashana calooshood u shaqeystayaal Somaali ah.

Kheyre hadda ka hor ayuu caayey dadka Reer K/Galbeed oo uu yiri “waa beec oo lacag ayey joogaan mana laha damiir iyo dareen waddaniyadeed iyo mid degaaneed”. Waxaa nasiib xumo ah madax aad adigu gacantaada ku keentay inay ku cadaawa cunto, cadow kalana kuu loogto.

Reer K/Galbeed waxaa haboon inaysan Magaalada iska burburin laakiin kheyre iyo Farmajo ka qaataan go’aan adag oo raacaan cidkasta oo wax ka qaban rabta sida mooshinka hadda la wado oo ay Khasab ka dhigaan in golaha shacbiga la keeno, loona codeeyo. Halkaasna ay kaga aarsadaan Farmajo iyo Kheyre si kadib loogu maxkamadeeyo tacdiyadii ay geysteen.

Kheyre iyo Farmajo waa inay baxaan haddii kale waxay bixi doonaan markii ay dalka burburiyaan, hadda waa boilow. Dadka Somaliyeed ee magaalooyinka kale deggan ha xusuusteen Markii shacabka Gobollada dhexe uu lahaa Maxamed Siyaad waa Mahbar oo ceelasha lagu gurayey Somalida kale way aamusnaayeen. Markii Hargeysa iyo goboolada waqooyi ee dalka canshuurtii iyaga laga qaadayey lagu gubayey Somalida kale wey aamusnaayeen.

Haddaba waxaa dabkku ka bilowday Baydhabo waxaana la hubaa inuu halkaaga kuugu iman doona haddii aan kooxdan la iska qaban. Axmed midoobe, Cabdiweli, Xaaf iyo Waare ogaada inay idinku soo socoto adiginka iyo ummadda aad mas’uulka ka tihiin.

Sidoo kale waxaa maalmaha soo socda dabka la saari doonaa Muqdisho oo u haysata inay ka tallaallan yihiin waxa Baydhabo laga sameynayo saacaddaan aad akhineysid qoraalkaan.

Haddaba cayda  Farmajo ee “Xildhibaanada careysan ee waalan” iyo Tan Kheyre oo ah reer K/Galbeed “waa beec iyo qabaqablayaal “waa in loo soo gole joojiyaa haddii dalka laga raja qabo haddii kale waa bilow oo qof waliba ka sii feker halkii aad u qaxi lahayd.

Dhinaca kale xasuuqan ka dhacay Baydhabo waa in labada oday iyo ciddii kale ee raad ku leh laga jaasiyaa.

Dabka Baydhabo ka holcaya berrina Xamar ka filo, Xusuuso Xabadi keentay waxaa ku xigtay Xabadi sugto.