Xasuuq ka dhacay  duleedka degmada Dhuusamareeb

Duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa la  sheegayaa in xalay lagu dilay afur ruux oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Sida loo xaqiijiyay MOL Falka lagu dilay dadkaas ayaa xalay waxaa uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Dhiin-waris oo ku dhow duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Dadka lagu xasuuqay degaankaas ayaa waxa ay dad ka shaqeeynayay Xarun Malabka Shinida lagu maalo oo ku taalla deegaanka Dhiin-waris,isla markaana la sheegayaa in loo dilay arrimo la xiriira aano Qabiil. Dadkii la dilay meydadkooda  ayaa isla durbadiiba waxaa loo soo qaaday dhanka Dhuusamareeb.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug oo ay uga hadlayaan dhacdadii lagu dilay Afarta ruux,taasi oo ka dhacday deegaanka Dhiin-waris oo ku yaalla duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here