Xassan Shiikh oo la Kulmay Xildhibaanadda Iyo Wasiirada Ku Heeybta ah,Maxaa kasoo baxay!!!

Reading Time: < 1 minute

Xasan Sheekh Maxamuud  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  ayaa kulan qado igu sameeyay hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Wasiiro, Odayaasha iyo Waxgaradka asigoo kala hadlay arrimo dhowr ah

Kulankan ayaa ah mid kala warqaadasho looga hadlayo xaalada dalka, waxaana xubnaha goobjooga ah ka mid ah Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale, Wasiir Kuxigeenka Dekadaha Cusmaan Daallo, Xildhibaano iyo Senatarada Beesha Mudullood ku matala Baarlamaanka Labada Aqal.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu dhamaadkii bishii hore dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo qaabilaad u badnaa kala warqaadasho la qabsanayay siyaasiyiinta, odayaasha, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xassan shiikh Maxamuud waxaa uu dhowrkii maalin ee lasoo dhafaay Kulamo kala duwan la qaadanaayay bulshadda qeeybaheeda kala Duwan mana cado,sababta ka dambeeysa kulamadaani kuwaasi oo qaarkood loo arko kuwa siyaasadeeysan