Xassan Shiikh Maxamuud oo Maanta Muqdisho ka dhoofay!!

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ahna Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ayaa Maanta ka dhoofay Magalada Muqdisho Saacado kadib markii Muqdisho lagu qabtay Munaasabad lagu soo bandhigayay xisbiga uu guddoomiye ka yahay.

 Xasan sheekh Maxamuud oo shalay sirasmi ah loogu doortay Guddoomiyaha Xisbigaas ayaa sheegay in lagu casuumay munaasabad ka dhaceysa Jaamacadda Oxford Union oo ku taalla dalka Britain,isla markaana uu khudbad ka jeedin doono.

Waxa uu sheegay in laba todobaad kadib uu Magalada Muqdisho dib ugu soo laaban doono,Ugu dambeyn waxa uu soo hadal qaaday xisbiga uu guddoomiyaha ka yahay,waxana uu sheegay in mas’uuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan ay joogaan,isla markaana ay Shaqada siiwadi doonaan.