Maanta dalka Soomaaliya iyo dowladnimadisaba, waxaa la xaqiijiyay xoojinta dhaqanka dulqaad ka, tanasulka iyo u turidda hay’adaheenna curdanka ah ee u baahan in loo dhowro sida MOYDA isha oo kale.
Waxaan halkaan bogaadin iyo ammaan uga soo jeedinayaa guddoomiyihii hore ee GOLAHA SHACABKA ee BFS Md. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.
Mudane Jawaari wuxuu ahaa nin leh khibrad iyo waayo aragnimo uu ku hoggaamiyo baarlammaan uu leeyahay dal ka soo kabanayo dhibaatoiyin hore ee siyaasadeed.
Wuxuu ahaa ruug caddaa cilmiga shuruucdii iyo taariikhdii sharci dejinta dalkeenna.
Waxaan ka marqaati kacayaa, muddadii aan la soo shaqqeyay inuu ahaa guddoomiye lagu soo meel maray dulqaadkiisa iyo fahamkiisa duruufaha dalku marayo. Sida ka muuqatay hadal jeedintiisii maantana, wali Soomaaliya wey u baahan tahay iney wax ka barato dhibkii la soo maray iyo sidii looga soo sammatabaxay.
Intaa ka dib, waxaan ku talin lahaa golaha shacabka BFS iney mar kale aad uga fiisadaan oo ay ka fakaraan iney hoggaanka u dhiibtaan nin geesi ah oo QABKIISA u liqi kara guud ahaan maslaxadda dalka gaar ahaanne tan GOLAHA SHACABKA.
Yaaney naga lumin guulaha uu Md. Jawaari sheegay iyo kuwa faraha badan oo aanuu sheegin waqtiga awgiis. Waxaan leeyahay xildhibaanow mar ayey talo kula gudboon tahay ee dooro guddoomiye aad ku halleyn karto ka Mira dhalinta dhaartii aad martay.
ILAAHEY HANNA WAAFAJIYO TALADA TOOSAN.
GUUL IYO GOBANNIMO.