Xassan Kheyre: “Nin waalan ….ayaa ilaah qoorta ii galiyay”

Reading Time: 2 minutes

Xassan Kheyre oo kulan gaar ah la yeeshay qaar ka mida ganacsato ay qaraabo yihiin xiriir ganacsina kala dhaxeeyo ayuu xalay u sheegay in xiriirka isaga iyo Farmaajo uu marayo meeshii ugu liidatay marka loo fiirsho labadii sano ee la soo dhaafay.

Kheyre ayaa u sheegay ganacsadata in dhibaato badan uu ku qabo Madaxweyne Farmaajo, waxa uu yiri “intii aan joognay Garowe waxaan isku dayay in aan aniga xal raadiyo oo aan dadka isku soo dhaweeye laakiin isaga ayaa  ka horyimid”.. Waxa uu intaas ku daray, “waxaa taa ka sii daray, xalka ma keenayo, hadii xal la keenana balaayo ayuu ka dhex arkayaa”.

Xassan Kheyre oo u muuqda mid rabo in uu ku qanciyo saaxibadiis in dhibka ka jira dalka uusan isaga horseed ka ahayn ee uu mas’uuliyadeedu leeyahay Farmaajo, ayaa yiri “…ninkaas waxa aan nahay xidid in aan ka hadlana  ma fiicna laakiin waxaan idin sheegayaa .. walaahi nin waalan ayaa ilaah qoorta ii galiyay”.

Ma aha kaliya in Kheyre uu saxiibadii ku xantay Farmaajo balse intii la joogay Garowe waxa uu si joogta ah ula xaman jiray qaar ka mida madaxda dowlad goboleedyada. Mid ka mida madaxda dowlad goboleedyada oo ka gaabsaday in aan magaciisa sheegno ayaa u sheegay MOL in Xassan Kheyre uu markastaa eeda dusha ka saarayay Farmaajo. Waxa uu  yiri “marka uu mid mid noola kulmo waxa uu inoo sheegi jiray in shaqada xukumadda uu ka wadi la’ayahay Farmaajo, marmarka qaarna fashilka shirka  Garowe Farmaajo ayuu dusha ka saari jiray”.

Waxa uu intaas ku daray “.. waxa iyadana yaab nagu noqotay, marka shirka loo dhan yahay uu nala joogana, Kheyre, marnaba kama horimaanayo Farmaajo… war dalkaan ilaah baa u maqan , hogaan la’aan ayuu u burburayaa”.