Xassan Kheyre ma ka badbaadi donaa godobta uu ka galay Qaranka Soomaaliyeed (Faallo/Fakar)

Reading Time: 2 minutes

Waxaan maqlay waqtigii Jaalle Siyaad ayaa nin senior civil servant ah, wuxuu shaqada soo geli jiray subixii halka saac ee subaxnimo. Maalintii dambe ayaa shaqadii laga joojiyey. Waxaa lagu eedeeyey in uu “Kacaanka ka dheereeyey!”.

Arrintaas waxaan soo xusuustay markii aan maqlay in Agaasimihii Tiyaatarka laga joojiyey shaqadii, kaddib markii idaacad uu lahaa ay sii deysay in Xasan Cali Kheyre laga ceyrinayo kursiga. Waxaa xigtay in Abwaan Guure uu publicly u shaaciyey in Xasan Cali Kheyre uu telephone u soo diray; kaddib markii ay murmeen-na uu telephone-ka ku damiyey. Cajiib!

Xasan Cali Kheyrow, mid adiga oo kale ah ayaa jiri jiray xilligii Jaalle Siyaad. Wuxuu ahaa nin baarqab ah, oo kor u kaadiyey. Wuxuu ahaa nin kalsooni xun sidaada oo kale. Wuxuu caan ku ahaa inuu maxaabiista siyaasadeed ee ku xiran xabbbiska jirdilka ee Maama Khadiija uu ku joog-joogsado, sidii inuu nin ku noqonayo falkaas jarriimada ah. Markii Jaalle Siyaad uu ilka-beelay ayuu xilkii ka qaaday. Ilaahey waa ogaa meeshii uu kaasi ku dambeeyey.

Haddaba, Xasan Cali Kheyrow, adigu saaxiib ma lihid, oo ehel ma lihid, oo dad ma lihid, ee xaggee baad doonaysaa inaad ku hargasho after Farmaajo? Rag waxaad isugu dhoweydeen Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, oo uusan jirin nin Soomaali ah oo ka dun wanaagsan, oo ka dadnimo fiican. Waa ninkii aad qiyaantay, ee aad dhacday, ee miyaadan ka giliilyoon inaad qof walba qiyaanto? Goormeed dhulka la goyn doontaa Farmaajahaan, si aad isaga yareyso dakannada aad ku gashay in the name of his dictatorial regime?

W/Q: Maxamed Xaaji Ingiriis