Xassan Eelaay oo looga digay in uu noqdo aalad loo isticmaalo Mukhtar Roboow

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho ayaa sheagayo in RW Kheyre iyo Fahad Yasin ay dardar galiyeen qorshahoodii ahaa in dagaal lagu gaado Musharax Mukhtaar Roboow.

sida MOL horay idinkuugu soo tabisay  RW Kheyre ayaa ugu  yeeray Magaalada Muqadishu Wasiirka Amniga ee Koonfur Galbeed Xassan Eelaay  si lacago logu wareejiyo. Xassan Eelaay ayaa ay walaalo yihiin Wasiirka Gaashandhiga ee ee dowladda Fedaraalka.

Gudoomiye Murasal  oo maanta la hadlay Xassan Eelaay ayaa uga digay in uu qayb ka noqdo ama uu hogaamiyo dagalaal sokeeye oo ka dhaca Magaalada Baydhabo. Xassan Eelaay ayaa gacanta ku haya hubkii dhawaan dowlada Fedaraalka geysay Magaalada Baydhabosidoo kale waxa uu haystaa maleeshiyo isaga ka amar qaadato.

Dhanka kale waxaa magalaada Baydhabo isaga baxay oo hadda ku sugan magalaada Neyroobi ee dalka Kenya Wasiirka Warfaafinta ee Koonfuur Galbeed Ugaas Xassan. Wasiirka aya ka mid ahaa shaqsiyaadkii lacagta lagu siiyay in ay doorashada Koonfur Galbeed loogu shubo Cabdicasisis Lafta gGareen. Lama yaqaano sababta keentay in uu Neyroobi degdeg ugu safro.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!