Shiikh Xassan Dahir Aweys oo aan in mudo ah ka hadlin siyaasadda Soomaaliya aya waxa uu shalay qadka taleefanka kula hadlay qaar ka mida qurba joogta isaga taageersan. Shiikha ayaa mar la waydiiyay sida uu arko keenitaanka ciidamo hor leh oo ka yimaado Eritereeya iyo Itoobiya oo la keeno dalka Soomaaiaya aya sheegay in isaga iyo saaxbadiisa ay abaal u hayaan Dowlada Eritereeya. Isaga oo arintaan ka hadlaya waxa uu yiri “xiligii muqaawimadda way na soo dhaweeyeen anaga iyo qoysaskeena waxaana ay nagu caawiyeen dhaqaale, hub iyo farsamo si aan dalka ugu saarno cadawgii Itoobiya”.
Hadalalka Shiikha aya waxa uu yimid iyada oo dalka la doonayo in la keeno ciidamo kor u dhaafaya 20,000 (labaatan kun ) oo laga keenayo dalalka Itoobiya iyo Eritereeya. Keenitaanka ciidamadaan aya qayb ka ah heshiis saddax geesood ah oo ay bishii Nofeembar 12 keedii ay sadaxda dowladooda ee Soomaaliya, Eritereeya iyo Itoobiya kuwada saxiixdeen Magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya.
Xiligii Dowlada Eritereeya ay taakulaynaysay kooxaha agagaxisada ah waxa magaalada muqadishu kaligeed lagu dilay dad ka baday 10,000 (tobon kun oo qofood) iyaga oo lagu eedeyay inay ka soo horjeedaan danaha kooxaha mayalka adag oo uu hogaaminyay Xassan Dahir Aways.
Madaxweyne Farmaajo ayaa rumeysan in ciidamo ka yimaado Itoobiya iyo Eritereeya ay abuuri doonaan siyaasad cusub oo u suuragalinaysa in uu dalka xoog ku haysto isaga oo istcimaalayo ciidamada dalalka Itoobiya iyo Eritereeya.