Xassan Cali Kheeyre oo Lacago fara-badan kusoo Jiidanaayo Xildhibaanadda Taageersan Jawaari taasi oo laga Bixinaayo Qasnada Dowlada!!

Reading Time: < 1 minute

R/wasaaraha Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya Xassan Cali Kheeyre oo la Rumeeysan yahay in uu Dhaqaallaha Dowlada u adeegsanaayo Mooshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha Golaha shacabka ayaa waxaa uu hada Balanqaadyo Lacageed u sameeynayaa Xildhibaanadda Kuwaasi oo labo garab noqday

Xildhibaanada Mooshinka kawada Guddoomiye Jawaari ayaa saacadihii ugu danbeeyay ay sii korortay tiradooda, waxa ayna iminka gaarayaan ilaa 198-Xildhibaan oo saxiixay Mooshinka.

Mooshin wadayaasha ayaa waxaa u badan Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Xildhibaano aan xilal ka heyn Xukuumada jirta, waxa ayna ka siman yihiin in meesha laga tuuro Guddoomiye Jawaari.

Wasiirada iyo Xildhibaanadaka tirsan baarlamaanka ayaa waxaa horboodaya Ra’isul wasaare Kheye oo isagu wacad ku maray in Guddoomiye Jawaari uusan lasii shaqeyn doonin dowlada ‘’Nabar iyo Naxdin’’.

Ra’isul wasaare Kheyre, waxa uu Mooshin wadayaasha ku dhiirigaliyay inay ka takhluusiyaan Guddoomiyaha baarlamaanka iyadoo la eegaayo isbedel ka dhex curta baarlamaanka Somalia waxa uuna hal hees ka dhigtay ‘’Jawaari uma uusan dhalan xil heynta’’

Sidoo kale, Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ayaa waxaa jira qaar iminka ka tirsan garabka taabacsan Jawaari, kuwaa oo saacadaha ugu danbeeya kusoo biiri doona Mooshinka.

 

 

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!