Xassan A. Samatar oo xalay u hadlay shacabka Soomaliyeed, dareenkoodana gudbiyay (Video)

Xaflad casho sharaf ahayd oo xalay  loo sameeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa waxa ka hadlay Fanaanka weyn Xassan Aadan Samatar oo 30 sano ka dib dalka dib ugu soo noqday.

Xassan Aadan Samatar ayaa si shacuuri ka muuqato ugu mahadceliyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo Xaaaskiisa Marwa Khadra. Hassan Adan ayaa dareenkiisu waxa uu ka tarjumiyay dareenka guud oo ay qabaan shacabka Soomaaliyeed kaas oo ah in MW Ismaaciil Cumar Geele  yahay aabaha iyo hogaamiyaha runta ah ee Dadka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaan si aan lama filaan ahayn ula saftay dalka Eritereeya oo ah dal aan xiriir qowmiyadeed aan la lahayn shacabka Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka gadooday ficilka Farmaajo laakiin aan helin fursad ay ku cabiraan dareenkooda.

Xassan Aadan oo og dareenk ka jira Soomaalida dhexdiisa ayaa xalay dharka ka bixiyay Farmaajo iyo xaaskiisa Seynab.  Waxaa uu si ku talagal ah u inkiray joogitaanka Farmaajo ee xaflada iyo  isaga oo ka leexday in uu sheego magaca xaaska Farmaajo. Waxa uuna muujiyay  in MW Ismaaciil Cumar Geelle uu yahay hogaamiyaha shacabka Soomaaliya ee ku dhaqan Geeska Africa.

Xassan Adan ayaa xafalada ka dib saaxibadiisa u sheegay in ay lama huraan tahay in Farmaajo ogaado in Soomaalida ay qadarin u hayso dadka iyo dalka Jabuuti , waxa uu yiri “ aniga ma xumeynin Farmaajo  laakiin dareeneyga iyo kan shacabka  Soomaaliyeed ayaan muujiyay…….Farmaajana waligii ma gaari karo maqaamka uu gaarsiisan yahay Ismaaciil Cumar Geelle”.

Halkaan ka daawo Video