Xasan Shiikh oo sheegay in uu dil ka badbaaday & digniin culusna u diray Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay  in 19-kii Febraayo la qorsheeyey in la dilo isaga iyo madaxweynihii ka horeeyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xilli ay ku sugnaayeen hotel ku dhex yaalla xeyndaabka madaxtooyada Soomaaliya.

Dhanka kale Xasan Sheekh oo weysigaan oo dhinacyo badan taabanaya siiyey KNN ayaa si qota dheer uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee dalka, isagoo dhaliisha ugu badan dusha ka saaray madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxa kale oo uu sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay bahdishay ciidanka Qaranka oo kalsoonidii shacabka ay ka sii lumineyso, wiilasha hoggaamiyana aysan kala garaneyn waxa sharciga ah iyo waxa aan sharciga aheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in sanadkii 2018-kii ay la kulmeen Farmaajo, iyagoo ka dalbaday in aan la siyaasadeyn ciidanka Qaranka, balse taas uusan dheg jalaq u siin, sida uu sheegay.

“Nasiib darro madaxweyne Farmaajo ciidankii siyaasadda ayuu geliyey, wiilasha yaryar ma dhihi karaan waxaan sharci maaha, laakiin waan la hadalnay anagu, marka dowladdan ciidamada waa bahdishay, waana duleysay, kalsoonida shacabka ayeyna kasii lumineysaa, wax kastana meesha ay ka qaldamaan waa kalsoonida,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in dadka loo adeegsaday ciidamada Qaranka ee loo diray inay soo dilaan uu isagu ka mid ahaa.