Xasan Kheyre oo Muqadisho ku soo noqonaya isaga oo gacan maran

Reading Time: < 1 minute

Xasan Kheyre oo mudo ka badan 45 cesho ku sugnaa magalaada Dhuusamareeb ayaa ugu danbeeyntii maanta soo gaba-gabeyaya safarkii uu ku joogay magalaadaas. Safar Xasan Kheyre ayaa ku soo dhaamaaday fashil mana jiraan waxa natiijo ah oo la taaban kato oo ka soo baxay safarkaas. Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa Kooxda Al Sunna loo ogolaaday in ay iyada gacanta ku hayso aminga guud ee magaalada Kismaanyo.

Si Kheyre u sheegto in uu guul ka gaaray saafarkiisa ayaa waxa loo ogolaaday in uu sheegto in ciidan ka tirsan dowlada Fedaraalka oo horay ugu sugnaa degaankaanka ay ka mid noqdaan ciidanka la sheegay in ay sugayaa amniga magaalada Kismaanyo.

Sida uu u sheegay MOL mid ka mida mas’uuliyiinta Al Sunna  Dhuusamareeb waxa gacanta ku haynaya AL Sunna  ciidan dibada laga keenaya ma jiri doono. Beelaha dega Galmudug ayaa si adag ugu horyimid hogaanka Al Sunna kana biyo diiday in ay tagaan Dhuusamareeb.

Dhanka kale waxa iyada uu ku fashilmay in uu hogaan ku meel gaar ah oo dadku wada ogol yihiin uu u sameeyo maamulka Galmudug taas oo suuragal ka dhigi lahayd in Galmudug wali loo aqoonsado dowlad goboleed jirta.