Reading Time: < 1 minute

Kusimaha Madaxeynaha Galmudug Xasan Kheyre ayaa lacago dheeraad ah codsaday   in loogu diro magalaada Dhuusamareeb. Sida MOL shalay idinkuugu soo tabisay, Xasan Kheyre ayaa qaraashaad badan ku bixiyo joogitaanka uu joogo magaalada Dhuusamareeb. Maanta ayaa la filaayaa in Dhuusamareeb loogu geeyo lagu sheegay in ay  $800,000 oo  lagu soo qaadi doono diyaarad qaasa.

Kheyre oo garan la’a sida uu mar uun uga dhex bixi lahaa fashilka uu lugaha kula jira ayaa waxa uu bilabayaa maanta uu lacago ku iibsado odoyaasha dhaqanka ee Xeraale iyo kuwa Cabudwaaq. Sidoo kale waxa uu codsaday in odoyaasha Saleemaan lacag u soo doontaan Dhuusamareeb ama uu isaga tag halkaas.

Shirkii been abuurka ahaa ee Dib u Heshiisiinta ayaa uu doonayaa on uu halkaas ka furo isaga oo isctimaalaya lacagihii laga soo aruuriyay shacabka ku dhaqan magaalada Muqadishu.