Xasan Kheyre oo durbadiiba bilaabay in uu diiwaan galiyo xildhibaanada cusub ee Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Xassan Kheyre ayaa labdii maalin ee u danbeeysay waxa uu bilaabay in uu diiwaan galiyo liiska xildhibaanada ay yeelan doonto Dowlad Goboleedka Galmudug.

Xasan Kheyre ayaa u sheegay saaxibadiisa in ay soo gudbiyaan magacayada dadka ay u arkaan in ay taageeri doonaan ama u codeyn doonaan Musharaxa madaxweyne ee uu wato Isagu.

Beesha Murusade ayaa loo qaybiyay liiska ama qaybta jufooyinka ay ka kooban tahay beesha si ay u soo gudibiyaan magacayada halka beesha Cayr ay iyadana bilaawday in ay diiwaangashato xildhibaanadeeda.

Beesha Saleemaan ayaa waxa liiska qaybtiisa hore qoraya Wasiir Qoorqoor halka Ugaas dhagay uu soo gudibiyay liis hordhac ah oo ah beesha Duduble. Xildhibaanada dhagdheer oo dalka dibadiisa ku maqan ayaa isna wado diiwaan gaalinta xildhibaano ka aoo jeedo beelaha dega Galmudug.

Kheyre ayaa sameeystay gudi hoosaad u soo maamulo liiska xildhibaanada isaga oo qoondo lacageed u sameeyay.

Mar la waydiiyay sida ay suuragal ku tahay in liiskiiska ay aqbalaan dadka reer Galmudug ayuu Kheyre ku jawaabay “ awood dowladeed iyo lacag wax is horistaagi Karaan ma jirto”. Waxa uu intaas ku daray “ ma jirto dowlad goboleed tuugmo lagu soo dhisay, waxaan isticmaalaynaa wax kastoo oo suuragal ka dhigi kara in Galmudug gacanteena ku jirto”