Xasan Kheyre oo caawa ku balan furay kooxda Al Sunna Wajameeca iyo is eedayn ka bilaabatay Dhuusamareeb (Xog)

Reading Time: < 1 minute

Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa uu labadii cesho ee u danbeeysay u sheegay Kooxda Al Sunna Wajameeca in uu booqasho ku imaanayo megalaada Dhuusamareeb maalinta berito oo bsha Juun tahay 24ka. Ujeedada safarkiisa ayaa ahayd in uu la saxiixdo heshiis hoosaad kooxda Al Sunna Wajameeca iyada oo Madaxweyne Xaaf goobjoog ka yahay heshiiskaas.

Madaxweyne Xaaf oo og cinqilaabka laga soo maleegay Villa Soomaaliya hormuudkana uu ka yahay Madaxweyne Farmaajo ayaa galabta casirkii isaga soo baxay magalaada Dhuusamareeb isaga oo caawa ku hoyana degaanka Godinlabe.

Xasan Kheyre oo og heshiis uu la galo kooxa Al Sunna Wajameeca kaligeed in uusan meel mari karin ayaa caawa saacad ka hor la soo hadlay shiikh Shaakir isaga oo u sheegay in Safarkiisii berito uu ku imaan lahaa Dhuusamareeb  uu baaqday sababo “la xiriira Shaqo awgeed”.

Arintaan ayaa waxa  ay aad uga caraysiisay kooxda Al SunnaWajameeca oo rabtay in ay u muujiyaan Madaxweyne Xaaf in isaga laga maarmay hogaankii Galmudugna  uu yaalo Dhuusamareeb.

Cabdisamad Shiikh Maxamuud iyo Cali Wadheere (Cali Yare) ayaa aad isugu mashquuliyay in ay Farmaajo ku qanciyaan in berito si qasab ah lagu soo diro Kheyre si uu niyadda ugu dhiso kooxda Alu Sunna Wajameeca.

Wali ma cada in Xasan Kheyre berito imaanayo Dhuusamareeb iyo in kale. Hadii uu yimaado Dhuusamareeb waxa uu la kulmayaa kooxda Al Sunna Wajameeca oo aan wakiil ka ahaynin shacabka iyo dowlada Galmudug. Hadii uu uu baaqasadana waxa uu balan fur ku samaaynayaa balantii uu ka qaaday Kooxda Al Sunna.