Xasan Kheyre oo bilaabay in uu ka abuuro Puntland kooxo mucaarad ah iyo MW Deni oo tilaabo ka qaaday

Reading Time: < 1 minute

Xasan Kheyre ayaa lacago kala duwan u qaybiyay qaar ka mida ganacsato iyo siyaasiyiin ku dhaqan Puntland. Lacagahaas oo lagu sheegay in Puntland lagu caawinayo ayaa waxa la soo marsiiyay bangiyo gaar loo leeyahay iyada oo laga qarinayo dowlada Puntland.

Dowlada Puntland ayaa xirtay qaar ka mida xubnaha lacagta looga soo diray Puntland. Xubnaha la xiray ayaa kala ah maamulihii Amal Bank Boosaaso Sheekh Maxamed Faahiye, Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji iyo Eng. Maalfo.

Inkastoo dowlada Puntland ayan wali cadaynin  sababta loo xiray xubnahan, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay la xiriirto lacag $150,000 ah oo dowladda Federaalka ugu deeqday Guddiga dhismaha wadada bartamaha Boosaaso.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Puntland ay ku wargelisay guddigaas in dib loo celiyo lacagta ka timi Federaalka oo la soo marsiiyay Amal Bank Boosaaso, balse arrintaas ay qaadaceen gudiga gacanta ku haya dhismaha wadada.

Dowladda Federaalka ayaa horey lacago ugu deeqday dhismayaasha garoomada kubbadda cagta Garowe iyo Gaalkacyo, taas oo la soo mariyay gudiyadii gacanta ku hayay.

Xasan Kheyre ayaa si dadban waxa uu uga shaqeynayaa sidii uu kooxo isaga taageersan uga abuuri lahaa Puntland isla markaana uu ka dhex abuuro  Puntland qalalaase siyaasadeed.