Madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Qilaaf uu so kala dhexgalay Xasan Cali Kheyre ka dib markii uu ku hungoobay qorshe ballaaran oo uu ka lahaa dowladda federaalka Soomaliya.
Shaqsiyaad ku dhow Shariif Xasan ayaa inoo sheegay in laga diidey qorshe uu ku doonayey in shaqsiga noqonaya guddoomiyaha Baarlamaanka dhankiisa ka keensado.
Shariif ayaa loo sheegay in uu ku mahadsan yahay saacidaadda Kooxda Qiyano Qaran, balse aan laga aqbali dooni inuu soo fara gashto damacooda.
Sidoo kale, waxa loo sheegay in shaqsiga la keenayo la doonayo inuu ahaado mid ku feker ah Xasan Cali Kheyre.