Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal oo soo gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow soo gaaray wafdi horudhac u ah Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo Maabta booqasho rasmi ah ku yimaanaya Magaalada.

Wafdigan ayaa waxa ay isugu jiraan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Wadanka Jabuuti, xubno ka tirsan dalkaasi iyo Fanaanii si weyn looga yaqaano Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Madax ka tirsan dowlada, Saraakii Ciidan, Kooxda Baanbeyda,Barbaarta Gaashaaman iyo qeybaha kala duwan ee Bushada.

Sidoo kale Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray Fanaaniinta kala ah Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal oo kamid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaano Gayiga Soomaaliyeed,kuwaasi oo horudhac u ah wafdiga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.