XASAASI:Taliyaha Booliska Oo Uhanjabay Xildhibaanada Golaha Shacabka

Reading Time: < 1 minute

Taliska Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed ayaa amaro culus kusoo rogay Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaliyeed Qaasim Axmed Rooble, oo wariyayaasha kula hadlay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in amaanka xarunta gollaha shacabka aad loo adkeyn doono.

“Amniga aad baa loo adkeyn doonaa, Xildhibaanada looma ogolaan doono inay hubla galaan xarunta, iskaba daayee hub, xitaa Istikiin ama Fandhicil la galaan xarunta,” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhanka kale Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaliya Jawaari ayaa sheegay in wixii dhibaato amni darro ah ee ka yimaada Gollaha shacabka ay mas’uuliyadaasi qaadi doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Raisul Wasaare Khayre.