XASAASI: C/Raxmaan C/Shakuur oo si adag uga hadlay Go’aankii Xeer Ilaaliyaha Qaranka

Reading Time: < 1 minute

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mida musharixiintii looga adkaaday doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee Febraayo 2017 ayaa ka fal celiyay war kasoo yeeray xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo ku saabsanaa eedo loo heysto laba xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

C/raxmaan C/shakuur oo aan isagu xildhibaan ahayn ayaa tallaabadan ku tilmaamay isku day lagu doonayo in lagu dumiyo tiirkii dimoqraadiyadda sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ku sifeeyay in xildhibaannada la ceejinayo.

Maalmo ka hor waxaa lagu soo duulay Federaalka oo la damcay in la dumiyo, waase la difaacay. Tani waa isku daygii labaad oo tiirkii Dimoqoraadiayada in la dumiyo la rabo. Xildhibaanka Ha la ceejiyo, Xasaanada ha laga qaado waa duullaan niyad jab ka muuqdo” ayuuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo farriin soo dhigay baraha bulshada.

Siyaasigan oo hore u soo noqday wasiir dowladii Sheekh Shariif ayaa hormuud ka ahaa olole hakaday oo lagu doonayay in mooshin xil ka qaadis ah laga keeno madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo dad badan ku tuhmeen inay kharash ka heleen dalal shisheeye.