Dhageyso; Axmed Madoobe Oo Sheegay In Dowladda Aysan Ka Go’neen La Dagaalka Al Shabaab Marba Hadii Ay Heshiis La Galeen Eritrea

Reading Time: < 1 minute

Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” oo ah Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa aad ku dhaliilay Dowladda Soomaaliya in ay qaadi la’adahay dagaal ka dhan ah Al shabab, kaa oo looga saarayo guud ahaan dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku celcelisay in ay qorsheynayaan in ay qaadeyso weeraro ka dhan ah Al shabab, oo la doonayo in looga qabsado deegaanada iyo degmooyinka ay dalka kaga sugan yihiin.

Axmed Madoobe oo ka qeybgalaya Shirka Madaxda maamul goboleedyadda oo ka furmay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa isweydiiyay macquul ahaanshiyaha in dowladda Soomaaliya ay wadahal kula jirto Al shabab, oo ay garwadeen ka tahay Ertriea si lamida kooxihii la oran jiray Muqaawamada ee dalka soo maray.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe, oo ku sugan Kismaayo ayaa Sheegay in Sanad gudahiis ay ku qorsheynayaan Al-habaab in looga saaro degaanada iyo degmooyinka oo ay dalka ka joogaan.

Hooska Dhageyso Codka Madaxweynaha Jubbaland