Xarunta NISA oo caawa laga yaabo inay xoog kula wareegaan ciidanka taageersan Rooble

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan Ilo lagu kalsoon yahay, ciidamo taageersan RW Rooble ayaa caawa laga yabaa in ay xoog ku qabsadaan Xarunta Nabad Sugida Qaranka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaar kamida ciidanka ka tirsan NISA iyo hogaankoooda ay si hoose ula xiriireen RW Rooble iyo mucaaradka Dowlada, kuwaas oo sheegay in ay diyaar u yihiin in qayb ka noqdaan ciidanka xooga ku soo gali doono Xarunta NISA.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa caawa aad u kacsan iyada oo aad looga baqayo in uu halkaas ka dhaco is-ka-horimaad ciidan oo uu dhiig Soomaaliyeed ku daadan doono.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!