Xarunta Baarlamaanka Hirshabeelle oo Ciidan lagu wareejiyay (Ogoow sababta)

Reading Time: < 1 minute

Ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa  la wareegay xarunta Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidankaan ay kasoo horjeddaan in kulamo ka dhan Madaxweyne Waare lagu qabto xarunta Baarlamaanka.

Xiisad Siyaasadeed oo kacsan ayaa ka taagan magaalada Jowhar, waxaana xildhibaanada ay sheegayaan in madaxda Sare ee maamulka Hirshabeelle loo heysto Musuq maasuq.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Caddaadis xooggan kala kulmaya Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle .

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!