Xariirka Diblomaasiyadeed ee kenya la yeelaneeyso Soomaaliland Maxuu ka dhigan yahay !

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Kenya ayaa waddo qorshe ay xiriir diblomaasiyadeed kula yeelaneyso Somaliland, waxaana ay magaalada Hargeysa usoo dirtay xubin ka shaqeeyo howlgalka ay Kenya xafiis diblomaasiyadeed uga furaneyso hargeyso.

Kenya ayaa Ethiopia iyo Djabouti kula biireysa waddamada xiriirka diblomaasiyadeed la leh Somaliland.

Wazaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa ku amartay Mr Philip Mundia inuu bilaabo howlgalka, kadib wadahadallo dhex maray haweeneyda ah waziirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma iyo safiirka cusub ee Somaliland u magacowday Kenya Omar Bashe.

Monica juma ayaa sidoo kale kulana la qaadatay waziirkii hore ee arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee Somaliland Sacad Ali Shire.

Dhanka kale Monica juma ayaa warqad u qortay madaxa hey’adda shaqaalaha Joseph Kinyua si uu dejiyo qarshaha diblomaasaiyadeed ee Somaliland oo uu hogaamiyo Muse Bihi Abdi.

Somaliland, waxaa soo gumeystay ingiriiska waxa ayna sanadkii 1991 shaacisay in Somalia ay ka madax banan tahay inkastoo wali aysan wali ictiraaf caalami ah.

Bishii December ee sanadkii hore Somaliland waxa ay marti gelisay maalgashadayaasha Kenya si ay ugu dhiiri geliso inay maal gashi ku sameeyaan gudaha Somaliland.