Xariga Muqtaar Roobow oo Khilaaf Ka Dhex Dhaliyay Madaxda Koonfur Galbeed (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhexgalay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed kaasi oo gaarey heer uu dibada usoo baxo Islamarkaana aad looga dareemo Xafiisyada Xukumada iyo Golaha Wakiilada.

Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo Gudoomiye Shariif Sheekhunaa ayaa Khilaafkoodu waxaa uu salka ku yahaa Xariga Mukhtaar Roobow oo ay gacanta ku heyso Hay’adda nabadd sugida Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha ku amray in uu si deg deg ah usoo daayo Sheikh Mukhtaar Rooboow oo uu u sheegay in xarigiisa ay iska kaashadeen Madaxweyne Lafta-gareen iyo Wasaaradda Amniga Soomaaliya, Madaxweynaha ayaana ku gacansayrey codsiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed,waxa uuna iska Fogeeyey eedeemaha loo soo jeediyey.

Shariif Shiikhunaa ayaa waxaa la safan Xildhibaano iyo Odayaasha Dhaqanka Koonfur galbeed ee taageersan Mukhtaar Rooboow,waxaana wararku ay sheegayaan in  laga Cabsi qabo Mooshin laga keeno Madaxweyne Lafta-gareen.

Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa ku baaqay in la xaliyo khilaafkaan ka dhextaagan Hogaanka Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Suldaan Shariif Cali Xasan oo kamid ah waxgaradka Koonfur Galbeed Soomaaliya  oo la hadley Warbaahinta  ayaa walaac ka muujiyey Khilaafka Madaxda Maamulkaasi,wuxuuna ku baaqay in la xaliyo