Wasiirka Amniga Iyo Wasiirka Gaashaandhiguba waa laba xildhibaan , waxa ayna ka midyihiin Xildhibaanada saxiixay Mowshinka Jawaari lagaga soo horjeedo, sidoo kale maanta waxa ay ka mid ahaayeen Xildhibaanadi ugu horeyay ee gala golaha shacabka, marki Jawaari soo galay ayuu arkay ciidan Bolis ah oo Hoolka lagu sii diyaariyay, kadibna wuxu amray in ciidanka laga saaro xarunta , sidoo kale xildhibaano tira yar oo ku jiray hoolka ayaa buuqay iyogoo diidan ciidanka ay gudaha kusii diyaarisay Wasaarada Amnigu, intaas marki ay labadi wasiir arkeen Iyo sida looga tira badanyahay xildhibaanada Mowshinka wada ayey Wasaarada Amnigu amar ku bixisay in Xildhibaanada laga celiyo Golasha shacabka oo Aan la soo deyn Xildhibaan dambe, sidoo kalana waxay dalbadeen ciidama dheeraad ah oo xarunta buux dhaafiyay, sidaas ayuuna ku baaqday kulankii golaha.
Taliyaasha Ciidama xalay waxaa kulan la qaatay Gudoomiye jawaari wuxuna u sheegay in aysan garab la safan dhexdhexaadna ka ahaadaan khilaafka Xukuumada Iyo Golaha Baarlamanka ka dhaxeeya, balse nasiib daro taas badalkeeda ayey sameeyeen oo amarka Wasaarada Amiga Iyo Gaashaandhiga ayey qaateen, kaaga daranee mar ay maanta warfidiyeenada la hadleen waxa ay u hadleen is ogaal la’aan iyo si laga dareemayo in aysan isku kalsooneyn, waxay shegeen in aysan aqoon ciidanka mesha qabsaday aadna uu u badnaa, hadana waxay sheegen in ciidankaas ay wateen Jawaari iyo Cawad!.
Qof kasta oo caqli leh wuu fahmi karaa in ciidankii tirada badnaa ee maanta xarunta la wareegay ee iskugu jiray Nisa, Danab, Milatari, Boolis, Bulisiya Militaaro in aysan wadan oo aysan xataa ka amar qaadan Jawaari.
Qiyaanooyinka kale ee dhacay maanta waxaa kamid oo ay Wasaarada amnigu sameysay in ciidanka qaar Abaabulani ay si is ogaal ah oo been been ah u handadeen Abaanduulaha Ciidanka Xooga Taliye Caanood, taasi oo looga dan lahaa in la yiraahdo lama yaqaano ciidanka xarunta qabsaday cid wadatay oo xataa waxay amar ka diideen una gacan qaadeen Abaan duulihii ciidamada.
Isku soo xeeri ee wixii maanta dhacay waxaa ka masuul ah cawaaqibtoodana qaadaya Xukuumada Xassan Cali Kheyre gaar ahaan Wasiirka Amiga Iyo Wasiirka Gaashaandhiga.
Ciidamadu waxa ay ka baxeen dhaxdhaxaadnimadii wadankuna wuxuu u muuqdaa in awood lagu maquuninayo, balse soomalibaan garanayaa oo ka dhib badan wax xoog lagu maquunin karo.