Sidee hadda loo macneynayaa Weerarka ay Shabaab ku qaadeen goobaha calaqa iyo daroogooyinka lagu iibiyo, kuwaas oo ay dad ku dileen, iyadoo ay ahayd inay dowladda hawshaas qabato.
Dad badan ayaa ku amaani doona dowladdana ku dhaliili doona sida ay uga gaabisay wax ka qabashada keentay dhibaatada ka jirtaa guud ahaan Xamar gaar ahaan waqooyiga Muqdisho.
Calaqa, Daroogada iyo dhamaan maandooriyaha waxaa ka dhashay dhibaatooyinka ay maanta la ciirciireyso Magaalada Muqdisho. Dhaca hubeysan, boobka aan xadka lahayn, caruur iyo kuwa waaweyn oo waashay oo ay darooga ku kala go’aday iyo dhamaan kooxo ka fa’iideysanaya xaaladdaas ayaa magaalada qabsaday iyadoo ciidankii ammaanka oo intaas oo jidgooyo ay u taallo magaalada aan la arag marka uu dhib dhaco, laakiin iyaga is dila markay wax yar isku khilaafaan
Mid ka mid odayaasha waayeelka oo masaajid u socday ayaa waxaa laga jeexjeexay qamiiskii dulufka ahaa oo uu dhar ka qabay markaas ayuu ku yiri cunuggii middida la raacay “maandhow walba kan madaxa kuugu xeran isii aan salaadda ku duhur ku soo tukadee oo dabadaan iga duleesha ku dabooshee kadib waan kuu soo celinayaa?”
Waxaasa yaab lahayd in isla mrkiiba looga qaaday gabar garbsaar shaal ah wadatay oo la yiri kan qaado. Odaygii ayaa yiri “kan kuma tukan karo oo waan u jeedaa inaad hadda soo xoogtaye kaaga ma ogiye isii” hasa yeeshee odaygii waxaa loo sheegay haddii uu Meesha sii taagnaado in buugga loo fiirinayo.
Runtii waxaan iyo wax ka daran ayaa magaalada ka socda waana la ogaa inay heerkaan soo gaarayaan haddaan bilowga wax laga qaban inta lo’ada qalideeda lagu mashquul ahaa.
Dhinaca kale waxaa aad u soo badanaya in ay ciidanku dad shacab ah laayaan ama ay iyagu is dilaan. Kibir iyo islaweyni ka muuqata ragga ciidanka wata ayaa waxay keentaa inay foodda is daraan mid kale oo aan ka kibir yarey halkaasna uu dagaal dad ku hoobtaan uu ka bilowdo sida Xalay ka dhacday Isgooyska Siinay oo kulmiya seddexda degmo Boondhere, Yaaqshiid iyo Wardhiigley.
Guddoomiyaha dagaalkaas ku dhaawacmay dagmadiisa ayaa dadka harcad lagu dilaa oo shalay subax laba qof ayaa fagax lagu dilay, kadibna kii Gobolka Madaale oo uu daal badan ka muuqdo ayaa goobta tagay oo tacsi ka soo diray halkaas. Gudoomiye Tacsi uma baahna ee waxay u baahan tahay hogaamin, qorsho magaaleed iyo siyaasad amaan oo loo than yahay.
Tan kale ee Muhiimka ah waa maxay sababta Dowladda aysan muhimadda u siinin ammaanka caasimadda oo ay ugu ordeyso arrimo kale oo ay dhici karto in dib loo dhigan karo.
MW Jamhuuriyadda, R/W dalka, iyo barlamanaada xamar ku dhex mushaaxa gawaarida aan xabadda Karin ma oga miyaa inay ka msuul yihiin masaakiinta hoostooda lagu dhaco oo aakhiro la weydiinayo.
Haddii ciidanka uu Bajaaj sidii xoolo u laaynayo, Ciyaal weero ciddey doortaan dhaca, dila, kufsada, ka booba dharka, haddii shabaab xabad iyo madax jebis la taagan yahay, askarta iyada baazuuke shacabka dhediida ku isticmaaleysa, aaway dowladnimad aan sheeganeynaa?
Dhinaca kale Gobolka waxaa uu ka qaadaa $5 bajaaj kasta maalintii waxaanaka soo xaroota $500,000 oo waxaa magaalada jooga 100, 000 kun oo bajaaja ayuu yiri nin ka warqaba hawshaas laakiin lacagtaas hawlo kale oo gaar ah ayaa lagu fuliyaa oo jeebeb loo qorsheeyey ayey ku dhacdaa.
Xamar waa dayacan tahay mana u eka inay sidaan ku sii socon karta haddaanu Madaxweynaha oo ah halka ugu dameysa ee loo cawdaa go’aan geesinimo leh qaadanin oo uusan wax ka qaban tan oo isaga laftiisa khatar weyn ku ah waayo waxaa la hubaa in aamusnaanta Khawaarijta ay khatarro soo maleegayaan kuwa baahan ama ciilqabaana oo reerkooda la dhacay ay agagaarkiisa ka shaqeynayaan.