Xalima Yarey “Si doorasho u dhacdo waxa loo bahan yahay waqti kordhin”

Reading Time: 2 minutes[sales_countdown_timer id=”salescountdowntimer”]

Gudoomiyaha Gudiga Madaxa-Banaan ee Doorashada Qaran, Xalima  Ismaaciil Ibrahim (Xalima Yarey) ayaa qoraal ay maanta u gudbisay Golaha  Baarlamaanka ku sheegtay in ay lama huraan tahay in la helo waqti kordhin  kooban taas oo saamaxaysa in 13 bilood gudahood dooraasho loo qabto.

Xalima Yareey ayaa Golaha shacabka ka hor sheegtay in Hirgalinta Doorashada qof iyo cod ah aysan ku dhici karin xiligii loogu talagalay loona baahan yahay 13 bilood oo dheeraad ah oo ka bilaabaneysa July 2020 kuna eg August 2021.

Waxa ay ku sheegtay qoraalkeeda in Doorashada 10 bilood ay ku qabsoomi karto, waxayna gaaraysaa ilaa dabayaaqada sanadka danbe. Xalima yareey oo rumaysan doorasaho qof iyo cod ah ayaa nuxurka hadakeedu waxa u ku soo koobmayaa labo qodob: 1) Dad horay loo diiwaan gashay oo codeynaya waxa u baahantahay 13 bilood (Biometric voters) 2) Dad isla maalinka doorashada la diiwaangaliyo, iyadoo la marayo habka farta (Same day registration).

Waxaa muuqata in ayan marnaba suuragal ahaan doonin i dowlada hada jirtaa ay qaban karto doorasho nooceey doonto ha ahaatee. Hadii ay ku fashilmeen qabasho doorasho dadban sidee ban suuragal ku tahay in ay dalka  gaarsiiyaan qof iyo qoc ah  hadii xataa 3 sano dheeraad loogu daro.

Halkaan ka aqriso qoraalka Xalima Yareey: