Iyada oo maalinba maalinta ka danbeeysa uu gudigii madaxa-banaanaa ee doorashada Qaranka uu u sii xuubsiibanaayo hay’ad ay ku adeegato DFS ayaa hadana waxaa soo baxaya astaamo muujinya in shaqadii gudiga laga dhigay mid ku dhex-milmay dowlada. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan, Xaliima Ibrahim (Xalima Yareey) ayaa khamiistii todobaadkaan baarlamaanka Soomaaliya u sheegtay in shaqada guddiga ay baarlamaanka ku milmeen.
Xaliimo Yareey oo dareemaysa in Gudigii ay gudoomiyaha u ahayd uu sii luminayo karamaada iyo madaxbanaanimadiisa ayaa warbixin ay siineysay guddiga kumeel gaarka ah ee baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan sameynta sharciyada kale ee dhameystiraya sharciga doorashooyinka u sheegtay in shaqadii gudigeeda ay faro-gelin ku hayaan oo ay si dadban la-wareegeen baarlamaanka arrintaasina ay tahay nasiib darro weyn.
“Gudigiina shaqadaan ma ahan waajibkiina waa mid anaga noo taalo waxayna aheyd inaa annaga soo diyaarino waana caqabad taagan,” ayey Xaliimo Yarey u sheegtay ee guddiga isku dhafka ah.
Hadalka Xaliima Yareey ayaa ku soo aadaya iyada Guddoomiyaasha labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ay dhawaan si wadajir ah u magacaabay guddi ku-meel gaarka ah ee dhameestirka xeerarka kale ee sharciga doorashooyinka, waxaana aerintaan hore uga hadlay mas’uuliyiin ka tirsan xisbiyada dalka.