Xaliimo Yareey oo soo saartay War cusub (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Kadib markii Guddiga doorashooyinka Qaranka lagu eedeeyey inay dhex degan yihiin Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya,isla markaana Axsaabta Siyaasadeed ee dalka ay sheegeen in Xarunta Guddiga aan la tegi karin,sidoo kalena Arrimaha doorashooyinka ay faragelin ku hayaan Madaxda Dowladda ayaa waxaa hadalkaas ka jawaabtay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) oo ka jawaabeysay eedeynta loo jeediyay ayaa sheegtay in guddigooda uusan jirin faragelin uga imaaneysa dhinaca Madaxda Dowladda gaar ahan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Waxa ay sheegtay in sababta ay u dhex degan yihiin Villa Soomaaliya ay tahay arrimo dhinaca amniga ah oo ay imaan karaan Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka,balse deganaanshaha Madaxtooyada aysan aheyn inay fargelin arrimaha doorashooyinka ku hayaan Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.