Xaliimo Yareey oo Dowlada ku Edeeysay In Aysan Heynin Qorshayaal Cad Cad oo Amanka Lagu Sugi Karo

Reading Time: < 1 minute

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Goddomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa ay ka Warbixisay Howlaha shaqo Ee Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaran.

Ugu horeyntii waxay sheegtay Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Goddomiyaha Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Xilliga Dalka Lagu qabanayo Doorashada Qof iyo Cod in Laga Rabo Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya in ay sugto Amniga Muwaadinka Soomaaliyeed ee dooranaya in markaasi Uu dhiibto Codkiis Si Uu U Doorto Masuulka Uu Ku Qanacsan yahay amni la ana an wax doorasho ah aysan dhici karin.

Waxa ay sheegtay in aad Lagu baahan yahay In Wasaarada Arimaha Gudaha ay Soo Saarto Sharciga Doorashada Taasi oo ay Ku sheegtay in ay tahay Mishiinka ugu Weyn Ee Guddiga Doorashada La’aantiisa aysan Shaqeyn Karin.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!