Xalada Gobolka Sool oo Sababi Karta Dagaal Ka Dhan Ah Puntland Iyo Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Xalay ayaa la Go’aamiyay in wefdi ka socda Maamulka Puntland loo diro deegaanada labadii Maalmood e la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen labada Maleeshiyo Beeleed ee deegaanada Qoriley iyo Gambar Cagaare ee Gobolka Sool.

Xalay ayaa waxaa wadahadal dhanka qadka taleefonka ah uu dhexmaray Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas, iyo waxgaradka Gobolka Sool si dagaal beeleedyadaas xal looga gaaro.

Maanta ayaa la filayaa in deegaandii lagu dagaalamay uu u ambabaxo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey,isaga oo la kulmi doona qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanada uu dagaalka ka dhacay.

Wararkii u dambeeyay ee hadda naga soo gaaraya deegaanadii lagu dagaalamay ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay ay haayeen kuwo degan kadib markii ay waan waan sameeyeen waxgaradka Gobolka Sool.