Waxaa nasiib xumo ugu filan shacabka Soomaliyeed in labadii ugu sareeysay hogaanka dalka ay ilaalinayaan ciidamo iska soo horjeeda, kala shakisan isla markaana wada degan hal deegaana Villa Soomaaliya.
Ciidamadaan ayaa midba midka kale ku tuhmaya in uu doonayo in uu khaarijiyo qofka ay ilaliyaan, taas ayaana keentay foojignaan iyo kala shakis ka jira madaxtooyada dhexdeeda. Guriga madaxweynaha jiifto waxa ku foorara hub noocyadii ugu danbeeyay oo ay wataanka ciidanka ilaaliya Ra’iisal Wasaaraha oo ka jeeda beeshiisa, Habargedir halka Ra’iisal Wasaarahana si toosa loogu hayo qoryaha waaweyn oo ay wataan ciidanka Farmaajo ilaaliya oo ay hogaanka u hayaan beeshiisa.
Hadababa iyada oo ay jiraan kala shakiskaas ayaa Ammaanka Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa si weyn loo adkeeyay tan iyo markii ay soo baxday digniintii Hay’adda NISA ee ku aadanaa in ay socdaan Qorshe lagu dilayo Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo.
Taliyihii ciidamada ilaalada Ra’isul Wasaare Rooble oo ku heyb ahaa Madaxweyne Farmaajo ayaa la bedelay, waxaa sidoo kale iyana la badelay ciidamo badan oo katirsanaa ilaalada gaarka ah ee Ra’isul Wasaare Rooble.
Ciidamo cusub una badan kuwa ku heyb ah Ra’isul Wasaare Rooble ayaa la geeyay hogyga uu degan yahay iyo sidoo kale xafiiska uu ku shaqeeyo si ay u adkeeyaan ammaanka Ra’isul Wasaaraha.
Ciidamada ilaalada Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale taliye looga dhigay sargaal ku heyb ah Ra’isul Wasaare Rooble, waxaana ciidamada ilaalinaya xafiiska iyo guriga Rooble yihiin kuwa feejigan oo muujinaya taxadr dheeraad ah.
Digniinta ay soo saartay hay’adda NISA ayaa sii xoojisay tuhunka uu qabay Rooble in loo beegsado arrimo siyaasadeed gaar ahaan khilaafka kala dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo kursiga Fahad Yaasiin uu ku dhegan yahay.
Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa horey u sheegay in fariimo hanjabaadyo ah telfoonka loogu soo diray, waxa ayna taasi dhalisay tuhun la xariira in dowladda dhaxdeeda maleegeyso shirqoolo la isku beegsanayo.