Xafladii saxiixa heshiiska doorashooyinka oo dhawaan bilaaban doonta

Reading Time: 2 minutes

Waxaa goor dhow xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni lagu wadaa in ay ka billaabato xafladda gunaanadka shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka, waxaana lagu wadaa in uu ka soo baxo warmurtiyeed ku saabsan heshiis ay si wadajir ah u saxiixeen madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Munaasabadda xiritaanka shirka ayaa waxaa ka qeybgali doonaan dhammaan saamileyda siyaasadda marka laga reebo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo aan ku qancin guddiga doorashooyinka gobollada Waqooyi.

Madaxweyne Farmaajo, Ra’isul Wasaare Rooble, guddoomiyaha golaha shacabka, dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inay hadallo ka jeediyaan xafladan gunaanadka

Diyaar garoowgii ugu dambeeyay ayaa ka socota hoolka, waxaana haatan ku sugan ka qeyb galayaasha munaasabada.

Waxaa daqiiqo ka hor la shaaciyay jadwalka shirka

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!